Hargeysa ayaa ku guulaystay Koobkii Goboladda Somaliland ee Kubadda Cagta.
Rikoodhayaal meel adag laysla gaadhay ayay ku suntadeen guusha Koobka.
6 Gool iyo 5 Gool ayay ku kala Guulaysteen laba Xul.
Xulka Gobolka Hawd, ayaa iska cunay hal gool, halka kaa dhigiisa uu shabaqa ku hubsaday Ciyaaryahanka lambarka 12-aad uga ciyaara Maroodi-jeex.
sidaasi ayay Guushu ku Raacday Maroodi-jeex.
xubno ka mid ah golaha Wasiiradda ayaa Ciyaartooywga ku taxaya Biladaha labada Gobol ee Maroodi-jeex iyo Hawd.
sidoo kale waxa hada Koobkii Kubadda kolayga la Guddoonsiiyay Xulka Gabiley.
Waxaan Munaasibadda ka soo qayb-gelin Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland Axed maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la filayay inuu koobka Guddoonsiiyo Koobka Ciyartooyada.
laakiinse kaalintiisii waxa qabsaday ilaa 8 Wasiir oo ku sugan Garoonka.
Wasiirka Ciyaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo hadlay aaya sheegay in Munaasibad balaadhan loo samayn doono gunaanadka Ciyaarta .
Xulka Gobolka Maroodi-jeex ayaa markii labaad ku guulaystay oo gacanta looga dhiibay Koobka Kubadda Cagta ee Somaliland .