Hargeysa(GNA)Laba Nin oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa xalay saacadihii dambe magaalada Hargeysa ku dilay Haweenay Dhalinyaro ah oo da’deeda lagu sheegay 18 Jir.
Marxuumada oo magaceeda lagu sheegay Cawo Qaasim Ibraahin (Walan-wal), ayaa Dad ku sugan Xaafadda jig-jiga yar oo ay degenayd ay sheegeen laba Nin oo Toorayo iyo baangayaal ku hubaysan ku Marxuumadda gudirooda oo ah agagaarka Huteelka Maansoor.
Eheladda Gadhan ayaa shebekaddaha wararka ee Arraweelo.com u sheegay in Ragaasi ku weerareen afaafka hore ee gurooda, iyadoo markaa ka degtay Baska xaafadda, ka dibna ilaa Lix Tooray ku dhifteen.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Marxuumaddu ku dhimatay Cisbitaalka guud, dhaawac ka soo gaadhay Toorayahaasi, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Hawl-wadeenada Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, kuwaasoo sheegay in markii Cisbitaalka la keenayba Qaliin lagu sameeyay, laakiinse ay wakhti yar ka diba geeriyootay.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Ciidanka amaanka oo la xidhiidha in cid lo ohayo falkaasi iyo in kale, balse Qaar ka tirsan saraakiisha Booliska ayaa sheegay in lagu raadjoogii dadkii fuliyay falkan foosha xun.
Cawo Qaasim Ibraahim(Walan-wal), ayaa soo jeeda qoys si weyn looga yaqaano geyiga somalida, waxaana Adeer u ah Abwaan Maxamed ibraahim Warsame(Hadaraawi), oo ka mid ah Hal-abuurada somalida ugu Taariikhda weyn xiligan iyo Hurre Walan-wal oo isaguna ah Dhaqanyahan dhinaca suugaanta somalida kaalin weyn kaga jira.
Warar aanu ka helnay xubno ka mid ah qoyskooda, ayaa sheegaya inay dhawaan marxuumadu ka timi wadanka Kenya oo ay ku noolayd.
Marxuumadd ayaa noqonaysa Haweenaydii labaad ee mudo todobaad ah Magaalada Hargeysa lagu Khaarajiyo ujeedo aan la garanayn, inkasta oo warar kala duwan oo Gobanimonews heshay sheegayaan inay Marxuumaddu telefoon ku hadlaysay xiliga la wareeray, raga weerarayna Telefoonkii gacanta ka qaadeen.
Gobanimonews
Hargeysa Office