Thursday, June 20, 2013

Hargeysa: Ciidanka Bilayska oo Xabsiga u taxaabay laba ka mid ah Ardaydii Maanta Imtixaanka Dugsiyada sare u Dhamaaday


Hargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska ee Caasimada Hargeysa, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay laba arday oo ka mid ah Ardaydii Imtixaanka Shahaadiga ah ku jirtay ee Dugsiyada sare (Form Four), kuwaasoo  sida ay Saraakiisha Bilaysku sheegeen Fawdo iyo shiid sameeyay  markii ay ka soo dareereen imtixaanka.




Labadan Arday oo ka mid ahaa Arday Imtixaanka ku gashay Dugsiga Hoose dhexe ee Sheikh Bashiir ee Magaalada Hargeysa, magacyadoodana la kala yidhaahdo Khaalid Xasan Aadan iyo Jimcaale Maxamed Cali, ayaa Bilaysku qabteen ka dib Ardayda imtixaanka gashay iyo Macalimiintii Ilaalinaysay muran dhex maray, ka dibna qaar ka mid ah Ardaydu Shiideen Macalimiinta, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen goob-joogayaal madaxbanaani.




Bilaysa ayaa khas ku kala caydhiyay Ardaydii Imtixaanka ka soo baxday oo markii qaarkood muran dhex maray Macalimiinta ku soo buuqay goobta, isla markaana isku dayay inay difaacaan Koox ka mid ah oo Macalimiinta Bilayska goobta Ilaalinayay la dagaalamay.




Mid ka mid ah Ardayda ay Imtixaanka wada galeen oo magaciisa qariyay ayaa Gobanimonews u sheegay in labadaasi arday wali ku xidhan yihiin Sal-dhiga dhexe ee Caasimada Hargeysa, halkaasoo duhurnimadii maanta loo taxaabay “Labaa arday wax lagu eedeeyay inay shiideen Macalimiinta, dabadeed Ciidanka Bilayska ayuunbaa mar qudha ku degay oo kaxaystay, waxaanay wali ku xidhan yihiin Saldhiga dhexe”ayuu sheegay Ardaygaasi.




Saraakiisha Bilayska ee Caasimada Hargeysa, oo aanu wax ka waydiinay Sababta loo xidh-xidhay ardaydaasi, ayaa sheegay inay shiid iyo fowdo sameeyeen markii Imtixaanka laga soo dareeray, isla markaana Hanjabaad iyo maagis u geysteen qaar ka mid ah macalimiintii Ilaalinaysay.




Geesta kale, wariye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee Gobanimonews, oo goob-joog u ahaa markii Ardaydaasi Bilaysku qabteen, ayaa Guddoomiyeha Xafiiska imtixaanaadka Qaranka iyo qaar ka mid ah hawl-wadeenadii Imtixaanka qaadayay kula kulmay Dugsiga Sheikh Bashiir, kuwaasoo uu wax ka waydiiyay sababta dhalisay xadhiga Ardaydan.




Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax ayaa Wariyaha u sheegay in  mid ka mid ah labadan arday uu la Dagaalamay Macalimiinta goobta ilaalinayay, Ciidanka Bilayskana Shiid kala horyimi, sidaasina lagu xidhay.




Sidoo kale Sarkaal ka tirsan Ciidankii halkaasi ku sugnaa ee Ardayda kala kaxeeyay, ayaa sheegay in Shiidkii labadan Arday hogaaminayeen ee lagula kacay barayaasha iyo Bilaysku uu dhaawac ka soo gaadhay, ka dib markii Dhagax lagala eegtay Lugta Bidix, gaar ahaan Bowdada.




Ma jiro wax war ha oo ka soo baxay Wasaaradda oo ku saabsan waxa laga yeelayo labadan Arday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com