Saturday, June 15, 2013

Google iyo Microsoft oo codsi u direy xukuumadda Maraykanka.


Labada shirkadood ee Internetka Microsoft iyo Google ayaa ka codsadey xukuumadda Maraykanka in ay u oggolaato in ay shaaciyan oo banaanka soo dhigaan inta jeer ee xukuumadda ka codsatey warbixino dad si gaar ah u leeyihiin, iyo waxyaabihii ay ka dhex sameeyeen Serverada Shirkadahaas. Arrintan ayaa ah mid labada shirkadood isku dayayaan in ay kalsoonidii dadka isticmaala adeegooda ay soo celiyaan.




 




Shirkadaha Facebook, Google iyo Microsoft ayaa dalbanaya daahfurnaan in ay ka helaan hay’adda NSA, waxaana ay tilmaameen in qarsoodi badan ay tahay mid aan u wanaagsaneyn Dimoqraadiyadda Maraykanka.




 




Sida laga soo xiganayo Madaxa sharciga ee shirkadda Google David Drummond, Google ma bixin wax badan oo ku saabsan waxyaabaha gaarka ah ee maamulku soo weydiistey, waxaana warqad uu u direy Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka Holder uu ka dhigey mid qofkasta arki karo




 




Microsoft ayaa dhankooda aaminsan in ay tahay in maamulka Maraykanku ay kor u qaadaan arrimaha la xiriira sharciyadda Shirkadaha Internetka, taas oo siineysa in ay u shaqeeyaan si furan.




 




Dalabkan ayaa imaanaya iyada oo todobaadkii hore la kashifey in hay’adda nabadgelyada ee Maraykanku ay awood u leeyihiin in ay baari karaan xiriirka aad ku samayso telefonkaaga iyo Internetka ilaa 9 shirkadoodna ay heshiis kula galeen. Waxaana ay welwel weyn ku dhalisey dadka isticmaali jirey adeegyadan oo shirkadahaasi u ballan qaadeen in aysan jiri doonin gacan sadexaad u soo dhex-geli doonta.




 




Edward Snowden oo ahaa Injineer la soo shaqeeyey hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA isla markaana ku danbeeyey hay’adda kale ee Nabadgelyada ee NSA ayaa ka shifey mashruucan socdey mudada 6 sano ku dhaw, oo lagu dhegaysanayey wada hadalka dadka Maraykanka, waxaana uu u gudbiyey Joornaalka The Guardian.