Tuesday, June 18, 2013

Goal: Real Madrid Oo Ronaldo Ka Dhigeysa Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Adduunka Si Ay U Ceshadaan.


Cristiano Ronaldo ayaa ku dhow inuu ogolaado heshiis cusub uu u saxiio Real Madrid, heshiiskaasoo ka dhigi doona ciyaaryahanka ugu mushaharka badan dunida kubada cagta, sidaasi waxaa qortay Goal




Sida Goal ay sheegeyso Madrid ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta wakiilada Ronaldo, Iyadoo Los Blancos ay diyaar u tahay in mushahar ka badan 15 milyan euro xilli ciyaareedkii ay siiso Ronaldo taasoo ah canshuurta ka dib.




Waxaana ay ka dhigan tahay in Ronaldo uu wadar ahaan 155 milyan euro in ka badan ka qaadan doono kooxda La Liga ka dhisan haddii uu saxiixo heshiis shan sanno ah, taasoo ka dhigeysa ciyaaryahanka ugu mushaharka badan adduunka.




Ronaldo oo dhaliyay 201 gool kaliya 199 kulan uu saftay afar xilli ciyaareed uu joogay Santiago Bernabeu ayaa shaki la geliyay mustaqbalkiisa Bernabeu, waxaana arinta sii shiday hadaladii uu ku soo qoray bogiisa Twitter uu ku beeniyay inuu heshiis cusub la galay Real Madrid.




Ronaldo ayaa haatan Real Madrid ka qaata lacag ku dhow 13 milyan euro sannadkii, laakiin in ka badan kala bar lacagtaas waxaa canshuur ahaan u qaadata dowlada Spain oo soo rogtay sharci ah inay 52% canshuur ahaan u qaadato mushaharka ciyaartoyda daqliga badan uu soo galo.




Waxaana sida Goal ay sheegeyso heshiiska cusub ee Ronaldo loo soo bandhigayo ay tahay mid uu si nadiif ah ku qaadanayo 15 milyan euro sannadkii, taasoo la micno ah in Madrid ay ku dhawaad 31 milyan euro sannadkii ku qarashgareyn doonto Ronaldo.