Burco(GNA)-Godoomiyahaya Maxkamada Sare Somaliland Yuusuf ismaaciil Cali oo maal mahan hawlo shaqo u joogay Gobolka Todheer ayaa maanta hoolka Xarunta Gobolka Togdheer kulan lagaga hadlayay sidii ay u dhaqan gali lahayd cadaaladu kula yeeshay Cuqaasha,Booliska iyo Xeer ilaalinta.kulankan oo ay iyana goob joog ka haayeen Maamulak Gobolka Togdheer ayaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mudane Yuusuf ismaaciil cali waxa uu aad uga hadlaya dhinaca wada shaqaynta iyo in ay kiisaska fulinta u baahan sidii loo fududayn lahaa.
Gudoomiyaha maxkamada sare, ayaa kulankaasi kaga waramay waayo hore iyo marxalad uu ka soo xigtay Madaxweynihii hore ee Somaliland Alle ha Naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Guddoomiyuhu wuxuu ka sheekeeyay hadal uu Madaxweyne Cigaal ka yidhi markii lagu soo doortay Boorame maalmo yar ka dib kulan uu Hargeysa kula yeeshay Bahdii Garsoorka ee xiligaasi jirtay. “Waxaan doonayaa inaan halkan idiinka sheego Qaranku waxa uu ku dhismaa cadaalad iyo Garsoor,Garsoorkana waxa looga baahanyahay Cadaalad labada qof ee loo garqaadayo in cadaalad loo sameeyaabaa loo baahanyahay,hadii aad madax dhaqameedka tihiin gacan baa noo tihiin,Gacanta koowaadna waa booliska.”ayuu yidhi.
Waxaanu si toos ah u gudo galay sheekada uu ka soo xigtay Marxuum Cigaal:
“waxaan xasuustaa anigoo Garsoore Maxkamada Hargaysa gobolka ka ah ayuu madaxwaynihii hore Maxamed X.ibraahin cigaal markii Boorame lagu soo caleemo saaray waxa uu nagula shiray hoolka maxkamada sare oo ahaan jiray Hoolkii maxkamada sare Xaruntii baarlamaanka iyo xaruntii wasaarada cadaalada,iminka hadii lays waydiiyo intaas sidee bay u qaadi jirtay,waxa weeye marka lays ogol yahay barakada wax waliba ku jiraan iminkana waxa cidhiidhi nagu noqda kiisaskii inaanu ku qaadi kari wayno oo hoolal kale u baahano.waxaa uu madaxwaynahaasi(cigaal) maalintaas uu borame ka yimi ee uu hoolkaa nagula shiraayay noo qiray,wuxu yidhi maxaa loo lahaa dawladi ma jirto C/raxmaan Axmed Cali waa lala shaqayn waayay dawladi waa jirtaa,mar hadii sadexdii dhar dhaar ay jiraan,dhar dhaaradaasi waxa uu ku tilmaamay Ciidankii asluubta,Booliska iyo maxkamadii,Amnigana waa loo sii kala baahanyahay ninka ladan iyo ninka daciifka ahi way u kala baahi badan yihiin, wuxu yidhi islaanta nusasaacaha la fadhiisata ee jawaanka yar ku fadhiisata ee lacagta hoosta ka galisaa Arday badan bay iskuulka kaga soo saartaa oo reer dhan bay ku biilisaa taasaa u baahan oo ugu baahi nugul inay hesho bilays tuugii ka xada intaa yar usoo qabta hadana maxkamad ka xukunta hesha hadana xabsi ka haya hesha, Mar hadii intaasiba jirto maxaa loo lahaa dawladi ma jirto,waa lala shaqayn waayay buu yidhi(madax wane cigaal)”.
Hadalka Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali ugu maahmaahay Odayaasha Dhaqanka ee Reer Burco, ee uu ka soo xigtay Alle hu naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa dadkii waagaasi siyaasada ku jiray ku tilmaameen inuu ugu Jawaabayay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) oo sanadkii 1993-kii Magaalada Berbera isagoo ku sugan sheegay inaanay dawlada ka jirin wadanka.
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xiligaasi ka soo horjeeday nidaamkii Cabdiraxmaan Axmed Cali, kana mid ahaa siyaasiyiintii ku khasbay inuu sii wadi karo waayo dawladii lagu dhisay Magaalada Burco.
Waxaanu Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal hadalkaasi ku cadeynayay in Dawladii cabdiraxmaan Tuur lala shaqayn waayay, balse aan lagu dhaliili Karin hawl-gudasho la’aan.
Axmed Muuse
Gobanimonews
Burco Office