Pages

Friday, June 14, 2013

Gabadh Soomaaliyeed Oo Maxkamad Ku Taala Dalka Ingiriisku Ku Xukuntay 250 Saacadood Oo Iskaa Wax U Qabso Ah…


Gabar Soomaaliyeed oo ku nool dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay in maxkamad ku taala dalkaas ay ku riday xukun ka dib markii ay hadalo jees jees ah oo ay ku dhiiri galinayso dilkii askarigii dhawaantaan lagu dilay dalka Ingiriiska ay ku faafisay barta interrnetka..
Gabadhaan Soomaalida oo lagu magacaabo Deyka Ayan Xasan oo 21 sano jir ah islamarkaana ah ardey wax ka barata jaamacada Kingston University, oo ku nool magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay bogeeda Twitterka ay ku faafisay ka dib dilkii askariga Ingiriiska fariin oranayso qof kasta oo ku labisan funaadaha ay ku qoran tahay Help for Heroes waxaa ay mudan yihiin oo wanaagsan in madaxa laga jaro arintaas oo dhalisay muran iyo yaab badan maadaama askarigii la oran jirey Drummer Lee Rigby oo dhawaantaan lagu dilay xaafada Woolwich ee ku taala Koonfu Bari ee magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay madaxa ka jareen dhalinyaro musilimiin sheeganaayo ayaa waxaa uu xilligaas la dilaayey ku labisnaa funaanadaas ay ku qoran tahay Help for Heroes taas oo ka dhigaysa in gabadhaas Soomaaliyeed ay tahay qof ku farasanaa falka ay geeysteen dhalinyaradaas oo ay ku dileen askarigaas ka tirsanaan jirey ciidamada dalka Ingiriiska, Gabadhaan oo fariintaas ka dib ay booliisku xabsiga dhigeen ayaa maxkamad la soo taagay dhawaantaan waxay ku xukuntay 250 saacadood oo iskaa wax u qabso ah inay shaqeyso.




Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaalida ah ay arinta ay ku kacday ay ku sheegtay inaysan ujeedkeedu ahayn sida ay dad badan u fasirteen oo ayna sheegtay inay ula dan lahayd kaftan ku saabsan qaabka ay u sameysan yihiin dhar ahaan islamarkaana ay erayadaas u isticmaasho inta badan dharka iyo kabaha aysan jeclaysan qaab ahaan ayaa fariintaas ay ku qortey gabdhaas bogeeda Twitterka ka dib waxay la kulantay jawaabo kulul oo kaga yimid taageerayaasha ninkaas la dilay ayadoona ay qaarkood ku taliyeen inay ku waangsanaan lahayd in la kufsado ama la dilo, gabadhaan ayaa waxay xirtey gebi ahaanba bogeedii Twitterka iyo kii Facebookaba iyadoona qirtey in falka ay sameysay uu san ahayn mid wanaagsan.




iframe width="640" height="360" src="http://www.youtube.com/embed/cWlxno7Saqk?feature=player_embedded" frameborder="0" allowfullscreen>