Monday, June 17, 2013

Fabio Coentrao Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Benfica Ka Dib 2 Sanadood Uu Joogay Madrid.






Daafaca kooxda Real Madrid Fabio Coentrao ayaa lagu soo waramayaa inuu ku wargeliyay wakiilkiisa in loo fududeeyo inuu ku laabto Benfica xagaagan.




25 jirkaan ayaa ka soo dhaqaaqay Benfica kuna biiray Madrid July 2011 isagoo lagu soo iibsaday adduun gaaraya 30 milyan euro, laakiin labo xilli ciyaareed oo uusan si wacan u saldhigin ka dib waxa uu doonayaa inuu ka tago Santiago Bernabeu xagaagan.




Monaco ayaa la ogaa inay isha la raaceysay xaalada ciyaaryahanka reer Portugal, laakiin ciyaaryahanka ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu doonayo inuu ku laabto Estadio da Luz.




Wadahadalo ayaa la leeyahay waa ay u socdaan Madrid iyo Benfica oo ku aadan ciyaaryahanka, iyadoo kooxda Lisbon ka dhisan ay cadeysay inaysan bixin karin mushaharkiisa haatan ee sannadkii ku qaato 2.5 milyan euro.