Pages

Tuesday, June 18, 2013

Edinson Cavani Oo Mar Kale Qirtay In Riyadiisa Ay Tahay Inuu Ku Biiro Real Madrid.


Xiddiga kooxda Napoli Edinson Cavani ayaa mar kale qirtay in u wareegis uu u wareego Real Madrid inay noqon laheyd riyo u rumowday.




Hooyada dhashay xiddigan reer Uruguay ayaa dhawaan sheegtay in willkeeda Cavani uu wadahadalo kula jiro Manchester City iyo Madrid, halka dalab rasmi ah oo Chelsea ay ku doonatay ciyaaryahanka ay soo diiday Napoli.




26 jirkaan ayaase u muuqda in meesha uu doonayo ay tahay La Liga, isagoo sheegay inuu ilaa iyo caruurnimadiisii ku hamin jiray inuu u ciyaaro Madrid.




“Wax walwal ah kama qabo mustaqbalkeyga. Madrid waa koox weyn, waana riyada ciyaaryahan walba inuu halkaas ka ciyaaro” ayuu Cavani u sheegay Cadena COPE.




“Laakiin haatan waxaan ahay ciyaaryahan Napoli ah, waxaana diirada saarayaa kaliya Confederations Cup. Aniga kaliya iguma xirna waxyaabaha ay kooxaha go’aansadaan. Waxaa jira waxyaabo kale oo u baahan in xisaabta lagu darro.




 




 




“In badan ayaa laga hadlayaa xiisaha Madrid, sidaasi darteed waan arki doonaa waxa dhaca. Cidna si rasmi ah waxba uma sheegin.”




Qandaraaska Cavani ee Napoli ayaa dhacaya 2017, laakiin waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 63 milyan euro.