Muqdisho(GNA)-Dagaal ayaa Caawa ka dhacay xaafada ka mid ah magaalada Muqdisho, laakiinse wax faahfaahin ah oo dheerada lagama hayo Khasaaraha ka dhashay.
Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ay Magaalada gudaha usoo galeen Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab oo aad u hubeesan.
Dagaalka ayaa ka socday Caawa ilaa saacadihii dambe Xaafado ku yaala degmada dayniile oo ay fadhiisino ku leeyihiin Ciidamada dawlada Federaalka Somaliya.
Goob-joogayaal ku sugnaa Goobta dagaalku ka dhacay ayaa goor sii horaysay markii uu dagaalku bilaamay Gobanimonews u sheegay inay cabsi amaan soo waajahday dadka Rayidka ah eek u nool xaafadaha dagaalku ka socdo.
Daryanka Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga dareemayaa meelo ka fog xafadahaasi,waxaana sida goob-joogayaashu sheegayaan halis ku jira dad badan oo deegaamadaasi ku dhaqan.
Raga Al-Shabaab katirsan ee Weerarka soo qaaday ayaa ku hubeesan hubka culus ee garbaha laga rido sida baasuukayaal iyo Hoobiyaasha garbaha laga tuuro kuwaasoo ay ku garaaceen fadhiisimo ciidamadu leeyihiin.
Al-shabaab ayaa sanadkii 2011 iskaga baxday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somaliya ka dib markii ay awoodooda ciidan hoos u dhacday, wallow ay mar walba ku doodi jireen inaanay wada faaruqin goobihii ay magaalada ka degenaayeen.
Waxaana Maqnaanshiyahooda ka dhalatay dib u soo kabasho noqoleed iyo nabad gelyo ay ku gam’een Boqolaal kun oo qoys oo qaarkood xiligaasi cabsi amaan ku joogeen, kuwana dib uga soo laabteen Kaamamka Barakacayaasha oo ay u qaxeen dhawr sanadood ka hor.
Dhinaca kale, Wararka ka imaanaya Deegaanka Fax-Fax-dhuun ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu maanta halkaasi dagaal qadhaadhi dhexmaray Ciidanka dawladda iyo Ururka Al Shabaab.
Dagaalka Maanta ka dhacay deegaanka Fax Fax dhuun ayaa bilowday kadib markii Rag ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerareen fadhiisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaankaasi.
Sarkaal ka tirsan Ciidanka dawladda Soomaaliya ee ku sugan Deegaanka Fax Fax dhuun oo Ideecadda Shabelle la hadlay ayaa sheegay in ay fashileen weerar qorsheysan oo Al Shabaab ay ku doonayeen in ay kula wareegaan deegaankaasi.
Labada dhinac ayaa sida Goob Joogayaal ay ku soo warramayaan waxaa soo kala gaadhay Khasaaro inkastoonay midkoodna shaacin xaddiga uu la egyahay khasaaraha soo gaadhay.
Ma jirto illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Al Shabaab ee dagaalyahannadoodu halkaasi weerareen
Gobanimonews
Muqdisho Office