Columbia Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan Jaamacadda Columbia University ee dalka Maraykanka, ayaa daaha ka fayday in buurnida xad-dhaafka diciifiso maqalka dhegaha dadka.
Dhakhaatiirtu waxay ogaadeen in dadka yaryar la kulmaan dhego-cuslaan marka miisaanka jidhkoodu aad u kordho, gaar ahaan mid ka mid ah labadood maqalkeedu daciifo. Daraasaddani waatii ugu horraysay nooceeda ee soo bandhigta in buurnidu sababto diciifnimada maqalka ee ubadka yaryar.? Sidaa waxa yidhi Prof. Anil Lalwani oo cilm-baadhistan horkacayey, kana tirsan Jaamacadda Columbia.
Sidoo kale, daraasaddu waxay sheegtay in badnaa buurnadu halis ku hayso maqalka dhegaha ee carruurta, taasina ay keentay in ubad buurbuuran dhego cusladaan, maqalkooduna naaquso.
?Dadka dhinaca maqalka dhibaatadu ka haysataa ma maqlaan cod jabaqdiisu gaadho 2,000 Hz iyo wax ka yar, si fiicanna uma fahmaan codka,? ayey tidhi cilm-baadhistu, waxaanay farta ku fiiqday in meelaha buuqa badan diciifiyaan maqalka dhegaha dadka.
Cilm-baadhistan waxa baadhitaan lagu qaaday 1,500 carruur ah oo lagu baadhay xarunta caafimaadka dalka Columbia.