Tuesday, June 18, 2013

Caynabo: Xukuumadda oo al-baabada u Laabtay Xafiiska Cashuurha Dawlada Hoose iyo Xiisad culus oo ka taagan






Cayabo(GNA)-Wararka ka imanaya Magaalada Caynaba ee xarunta gobolkaa Saraar ayaa sheegaya in maalmahan halkaasi ay ka taagantahay xiisad hor leh oo ka dhalatay xafiisyadii Dawlada hoose ee degmada oo Wasaaradda arrimaha Guduhu amar ku bixisay in albaabada loo laabo.




Amarka Wasaaradda oo la sheegay in si gaar ah loogu amray in la xidho Xafiiska Cashuuraha Medeniga ah ee Magaaladaasi, ayaa la sheegay in Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Nuur Caraale Duur ku madnuucay in wax cashuur ah lagu qaado xafiisyada dawlada hoose ee Degmada, wixii cashuur ah ee degmadan lagu qaadi doono Magaalada Oog oo wax yar u jirta Caynaba.




Maxamed xaaji abyen xaaji Axmed   oo ah Guddoomiyaha guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha deegaanka Caynaba ayaa Gobanimonews u sheegay in arintaasi muran iyo xiisad hor leh ka abuurtay degmada iyo guud ahaan Gobolkaa Saraar.




Maxamed Xaaji ayaa sheegay “Gobolka saraar wuxuu xuduud la leeyahay Shanta gobo lee Bariga, waa Gobol balaadhan oo dawlada somaliland muhiimad weyn u leh, Kastamada Cashuurta ee Gobolka waxa laga maamuli jiray Caynaba oo Kastamka ugu weyni ahaa intii aanay Somaliland laascaanood u gudbin, dabadeed markii lascanood la gaadhay ayaa Kastamkii magaalada ku yaalay loo raray dhinaca Laascaanood.”




“ ka dib markii ay sidaa ahayd, iyadoo kastamkii Maaliyada meesha laga raray, ayaa hadana maalin dhaweyd, Wasiirka Daakhiligu soo qoray Warqad uu ku joojinayo in Cashuurta Dawladaha hoose ee lagu fuliyo adeegyada Bulshada Magaalada lagu qaado, waxaanu amray in Cashuurta dawlada hoose ee Caynaba lagu qaado Oog, taasina wax umadda reer Caynaba iyo qaranka anfacaya maaha.”ayuu Khadka Telefoonka ee caynaba ugu sheegay Gobanimo.




Xildhibaan Xaaji ayaa sidoo kale sheegay inuu Warqada Wasiirku soo saaray nuqul ka mid ah helay “Wareegtada Wasiirku ku joojiyay Cashuurta oo soo baxday16/06/2013, waxa ka horaysay mid hore loogu ogolaaday oo xafiiska agaasimaha Guud ee daakhiliga ka soo baxday, 29/05/2013, taasoo loo soo dhiibay Maayirka, ku-xigeenka iyo Xoghayaha dawlada hoose, taasaanu wasiirku buriyay, iyadoo aan la garanayn ujeedo uu ka leeyahay”.




“16/06/2013 oo shalay ahayd markii Warqadaasi soo gaadhay caynaba Xaruntii Dawlada hoose ee Degmada Caynaba gaar ahaan meeshii cashuurta lagu qaadi jiray waxa la wareegay Ciidan bilays ah oo lagu amray inay albaabada u laabaan xafiiskaasi, ciidankaasi markiiba shaqaalihii meesha joogay way xidh-xidheen, adigu dabadeed markii dambe waa la soo daayay, wax shaqo ahna ma qaban kartaanbaa lagu yidhi.




“markaa xaalada noocaas ah ayaa meesha ka jirta, waxaana ka masuul ah Wasiirka arrimaha gudaha oo isagu talaabadan qaaday, madaxweynuhu inuu la ogyahay ma garan karno laakiinse waxaanu doonaynaa inaanu bulshadii na soo dooratay iyo madaxweynahaba u cadayno, in xaaladu halkaasi marayso”.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulkaa Gobolka iyo masuuliyiinta golaha deegaanka ee degmada Caynaba, waxaana noo suurto geli waayay inuu telefoonka ku helno xubnaha madaxda ka ah Gobolka iyo degmada.




 balse sida  ay xubno ka mid ah waxgaradka deegaanku sheegayaan arinta cashuurta oo ah muran ka dhexeeya Oog iyo Caynabo oo isku haysta Cashuuraha labada deegaan, ayaa muujinaysa gor-gortan siyaasadeed oo deegaanka laftiisa kaga imanaya gacmo dibada ka ah oo Wasiirka Daakhiligu ugu horeeyo, taasoo dadka arimahan xogogaalka u ahi ka digayaan inay sii huriso xurguftii dhimashada sababtay ee bil ka hor Magaalada Caynaba ka dhacday.




Waxaana jira walaac badan oo ay Bulshada rayidka ah iyo Saraakiisha dawladu ka qabaan maxsuulka ka dhalan doona hadii murankani noqdo mid sii xoogaysta, iyadoo ay ku talinayaan waxgaradka Gobolka inay xukuumaddu cid dhexdhexaad ah oo arimahan xalisa dhakhso u  soo dirto, si aanay arintan halkay marayso uga sii durkin.




Gobanimonews




Burco Office