Wednesday, June 12, 2013

Cali guray: Siyaasadda arrimaha Dibadu meel ay u socoto la garan maayo Wasiirkuna Madaxweynaha ayuu Damaanad ka haysta"


Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID Muj Cali Guray, ayaa si weyn u dhaliiay Siyaasadda arimaha dibada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, cambaareeyayna Hawl-galada Ciidanka bilaysku maalmahan ka fulinayeen Magaalooyinka somaliland.




Cali Maxamed Xasan (Cali Guray) oo la hadlay Telefishanka Horn Cable ayaa sheegay inay khal-kashay siyaasadda Khaarajiga ee dalku, isla markaana Wasiirka wasaaradaasi manjaro habaabiyay geedi socodka qadiyada Dalka “Siyaasadda arrimaha dibadu meel ay u socoto la garan maayo, Wasiirka wasaaradaasi haystaana wuxuu Madaxweynaha ka haystaa damaanad ah inaan Xilka laga qaadin, markaa sida uu doono ayuu ka yeelayaa”ayuu sheegay.




Cali Guray, ayaa sidoo kale cambaareeyay Hawl-galada Ciidanka RRU-du Saqda Dhexe ee Habeenkii ku gelalafaan Guryaha dadka iyagoo ku doodaya inay baadhayaan Argagixiso, waxaanu tilmaamay in talaabada Guryaha shacbiga loogu dhacayaa ay tahay arin aan haboonayn “anigu ma arko in Argagixiso la baadhayo, waayo kuwii dhalay Agagixisada ayaa gudaha ku jira oo hoosta lagu haystaa, markaa anigu waxaan qabaa in shacbiga lagu cabsi gelinayo waxan socda”ayuu yidhi.




Hadalka Masuulkan, ayaa ku soo beegmaya xili bulshadu ay si weyn ula jahawareersatay Gulufka sii socda ee Habeenkii ciidamada Madaxa duuban ee RRU-du ku baadhaan Guryaha shacbiga, taasoo la aaminsanyahay inay dadka qaar ku beegsadaan Hawl-gal khaldan oo aanay ka haysan macluumaad saxa.




Gobanimonews




Hargeysa Office