Pages

Friday, June 21, 2013

Cabdiraxmaan Dhaadheere : ku talo-galkayagu wuxuu ahaa inaanu hanano Koobka, waanan ku Guulaysanay






Hargeysa(GNA)-Xulka Kubadda Kolayga ee Gobolka Gabiley, waxay ka dareen celiyeen Guusha hanashada Koobka Kubadda Kolayga Somaliland oo ay markii ugu horaysay ku Guulaysteen, Caawa, ka dib Ciyaar aad u xiiso badan oo dhex martay dhigooda Gobolka Maroodi-jeex.




Cabdiraxmaan Dhaadheere oo ah Tababaraha Xulka Kolayga ee Gabilay iyo Cabdirisaaq Faysal Xariir (Caloolay) oo ka mid ahaa Ciyaartooyada ugu cad-cad kooxdaasi, ayaa Gobanimonews u sheegay inay si weyn ugu faraxsanyihiin Guushan ay keeneen, isla markaana ku talo-galkoodii hore ahaa inay Kaalintan ka gaadhaan Tartanka Ciyaaraha goboladda Somaliland.




Tababare Cabdiraxmaan Dhaadheere oo ugu horayn la hadlay Gobanimonews, ayaa sheegay “Walaahi aad iyo aad ayaan u faraxsanahay, waanan filaynay inaanu guushan keenayno, waayo waxaanu samaynay dedaal badan iyo tababaro dheeraad ah, waxaana guushan noo sahlay dedaalkayaga iyo Maamulkayaga oo mar walba na garab Joogay”ayuu yidhi.




Cabdiraxmaan Dhaadheere ayaa intaasi ku daray “hore waxaanu u nimi Final iyo Semi-final, labadaba, markaa waxaanu ugu soo talo-galnay sanadkan inaanu qaadno koobka, ilaahayna wuu nagu guuleeyay”.




Geesta kale, Cabdirisaaq  Faysal Xariir, ayaa isagoo dareenkiisa ka waramaya yidhi “dareenkayaga Caawa lama soo koobi karo, Inaanu Oyno ayaanu inyar u saaranahay, waanan ku faraxsanahay inaanu koobii ugu horeeyay ee Kolayga qaadno, waanan sii wadaynaa dedaalkayaga, si aanu Koobab kale ugu guulaysano Mustaqbalka”ayuu Khadka Telefoonka ugu sheeegay Gobanimo.




Cabdirisaaq ayaa sheegay in mid ka mid ah Ciyaartooygooda dhaawac fududi ka soo gaadhay Gacanta,ka dib markii Ciyaartoo Gobolka Maroodi-jeex ka tirsani Nabar ku dhiftay markii Ciyaartu dhamaatay “wax dhibaato ahi namay soo gaadhin, Ciyaartoo naga mid ah ayaa dhaawac fudud ka soo gaadhay gacanta, kaasoo uu u dhuftay Inan maroodi-jeex u ciyaarayay, laakiinse intayada kale waxba namay soo gaadhin”.




Koobkan, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Gobolka Gabiley qaado tan iyo markii loo aqoonsaday Gobolnimda mudo sideed sanadood ku dhow ka hor, waxaanay Kooxdan Caawa suntatay Guushu baal cad ka geli doonaan Mustaqbalka Ciyaareed ee Gobolka oo ay noqon doonaan Libaaxyadii ugu horeeyay ee Koob kula Guryo noqda Gobolka.




Gobanimonews




Hargeysa Office