Pages

Saturday, June 22, 2013

Cabdillaahi Fadal: Bilaysku waxay todobaadkan qabteen Dad Badan oo loo Haysto Dilal, Tuugo iyo Tahriibinta Dhalinyarada


Hargeysa(GNA)-Wali Ciidamada Amaanka Somaliland sharciga may horkeenin gacan ku dhiigleyaal todobaadkii hore Magaalada Hargeysa ku dilay laba Dumar oo xaafado kala duwan,mudo afar maalmood oo qudha  kala dambeysay lagu laayay xiliyo Habeenimo ah.



balse waxay sheegeen in dhawr qof oo la tuhunsanyahay saacado ka hor la soo qabtay laba ka mid ah.



Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Sareeye guuto Cabdilaafi Fadal Iimaan, waxa uu maanta warbaahinta u cadeeyay in dilka labadaa Dumarka ah lo ohayo saddex qof oo la tuhunsanyahay, kuwaasoo xalay uun laba ka mid ah la soo qabtay.



“Ciidanka boolisku wuxuu galay baadhis qotodheer iyo xuuraan culus sidii  ay u heli lahaayeen laba dumar ah oo meelo kala duwan lagu dilay cidii dishay, xalay abaaro labaddii habeenimo ayaanu helnay laba qof oo lagu tuhmayo inay dileen mid ka mid ah gabadh bishan june 18 keeddii lagu dilay galbeedka magaaladda Hargeysa, waxa kale oo jiray gabadh kale oo lagu dilay calaamadaha waxa u xidhan hal dumar ah oo iyadana baadhis ayaa lagu waddaa”.



Taliye Fadal ayaa sheegay inay Tuug tiro badan qabteen Bilaysku maalmahan.



“Waxaanu qabqabanay 48 qof oo tuug ah, waxaana maanta maxkamadda gobolku ku xukuntay laba bilood oo xadhig ah, waana hwlgal socon doonno”



Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay inay qabqabteen dad lagu tuhmayo inay tahriibiyaan dhalinyarada kuwaas oo la horgeeyey maxkamadda gobolka Gabiley.



“Ciidanka Booliska oo kaashanaya ciidanka socdaalka Somaliland waxay ku guulaysteen 160 dhalinyaro la tahriibinayey inay soo qabtaan una soo gudbiyeen waalidkood, kuwii tahribinayeyna waxay maxkamadu kaga socotaa Maxkamadd Gabiley, waxa kale oo jira shakshiyaad iyaguna la raadinayo waana aafo qaran dhalinyarada la tahriibinayo”.



Si kastaba ha ahaatee Tahriibinta Da’yarta ayaa ah arin doodeedu Bulshada Somaliland wada saamaysay, waxaana hada laysku raacsan yahay oo la doon-doonaya Shabakado ka shaqaysta arintaasi oo isku xidhan Somaliland ilaa liibiya, kuwaasoo ay Culimada diinta ee Somaliland qaarkood lacag dul dhigeen aqoonsigooda.



Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Siiro), oo ka mid ah culimada waaweyn ee magaaladda Hargeysa ayaa bulshada ugu baaqay in qofkii soo sheega dadka wax tahriibiya abaalgud uu siin doonno si sharciga loo horgeeyo, isla markaana wax looga qabto dhalinyaradda la tahriibinayo.



Gobanimonews



 



Hargeysa Office