Pages

Wednesday, June 12, 2013

Budhcad Badeed Soomaali ah oo lagu Xukumay Dalka Kenya


Kenya (GNA) Maxkamad ku taala  dalka Kenya ayaa xukuno sanado ah ku riday sagaal Qof oo Soomaali ah oo Maxkamadu ay ku eedeysay inay ku kaceen falal burcad badeednimo.




Sida ay qortay wakalaada wararka ee Reuters raga muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la xukumay ayaa waxay gaadhayaan sagaal ruux,kuwaasi oo xukun min shan sanadood  ah ku dhacay.




Ragan ku eedeysan falalka budhcad badeednimada ayaa dowlada Kenya waxay sheegtay inay isku dayeen Afduub ay u geystaan Markabka MV Magellan Star kaasi oo marayay xilligii la weerarayay Gacanka Cadan bishii Septemper sanadkii 2010.




Sagaalkan Qof ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Caalamiga ee la dagaalanka waxa  budhcad badeeda Soomaalida u jooga xeebaha Soomaaliya iyaga oo ku wareejiyay dowlada Kenya si halkaasi loogu Maxkamadeeyo.




Inkastoo sanadihii ugu danbeeyay hoos u dhac laga dareemay weeraradii budhcad badeeda Soomaalida,waxaana arintaasi lagu amaanay roondooyinka ay sameynayaan ciidamada Midowga Yurub ee jooga xeebaha Soomaaliya.




Dacwad oogayaasha ayaa Maxkamada u sheegay in Ragan eedeysanayaasha ay weerar hubeysan ay ku qaadeen Markabka iyagoo istcmaalaya qoryaha daran dooriga u dhaca si afduubkooda uu u hirgalo.




Dhamaan sagaalka ruux ee la soo eedeeyay ayaa beeniyay eedeynta loo soo jeediyay,waxaana si qaas ah loogu hayay xabsi Kenya ay leedahay.




Budhcad badeeda Soomaalida ayaa inta badan lagu Maxkamadeeyaa dal aan dalkooda ahayn,maadama Soomaaliya ayna lahayn dowlad si rasmi ah kaga howlgasha dalka.
Kuwa la xukumana hadii ay udoodaan dadkood in lagu hayo Qeybta xasiloon ee Goonida isku taagtay ee soomaaliland waa hadii ay ogolaadaan Kuwa xukuman.