Kismaayo(GNA)-Madaxweynaha 3aad ee Jubaland Shiikh Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta u dhoofay magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka Somalida Ethiopia.
Jaamac Ugaas oo ka mida odayaasha dhaqanka ayaa Radio Garowe u xaqiijiyay safarka madaxweynaha oo uu sheegay inuu kala hadlayo madaxda Somalida Ethiopia arrimaha Jubaland.
Safarakan ayaa la sheegay inay ku weheliyan xubno ka tirsan Jubaland iyo qaybaha bulshada.
Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee ku tego dalka Itoobiya tan iyo markii xilkan loo doortay sheikh Axmed Madoobe,horase waxa uu socdaal gaaban ugu tegay dalka Kenya.
Booqashada uu ku tegay Jig-jiga ayaa ku soo beegmaysa xili Madaxweynaha Kilalka shanaad ee Itoobiya Cabdi Illay dhawaan amar lagu siiyay inaanu faro gelin arimaha somaliya ee uu ku eekaado hawlaha Maamulka dawlad Goboleedkiisa.
Amarkaasoo ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Itoobiya Haile Maryam Deselgn , bishii hore, isla markaana loogu sheegay mr Illay in wixii ka baxsan siyaasada gudaha ee dalka Itoobiya ay u xilsaarantahay wasaaradda arrimaha dibada dawlada Federaalka Itoobiya, ayaan la ogayn inuu ku dhaqmi doono haatan, dabadeed iska fogayn doono Madaxweyne sheegtaha Jubaland oo dhalasho ahaan ka soo jeeda somalida Kilalka shanaad ee Itoobiya iyo Koonfurta somaliya degta.
Waxaana laga yaabaa hadii sheikh Madoobe u socdo arimo siyaasadeed iyo inuu u gala-galaysto dhinaca dawlada Federaalka, inay taasi amar jabin ku noqonayso Madaxweyne Illay, hadii aanay dawlada Itoobiya Lafteedu dano khaas ah ka lahayn la shaqaynta Axmed Madoobe, xili ay ka wer-wrsantahay in Dagaal ka dhan ah Mashruuca Biyo-xidheenka ay masar kaga soo qaado dhinaca somaliya.
Gobanimonews
Muqdisho Office