Pages

Tuesday, June 11, 2013

Beesha Cidagale Oo Xulka Gobolka Awdal Hadhimo SHarafeed u sameyey+sawiro


“Maadaama oo aanu nahay beel ay haybta wadaagaan yihiin beesha degta
gobolka awdal waxaanu balanqaadaynaa haddii xulka gobolku ku
guulaystaan koobka inaanu xaflad aan meeqaamkeeda hore loo arag u
samayndoono, isla markaana aanu diyaarad gaara ku qaadi doono Hargeisa
ilaa Boorama”. Gudoomiyaha Guud ee Beesha Ciidagale Abdirashiid
Mohamed Jaambiir





Hadhimo sharafeed loo sameeyay Xulka Kubada Cagta Ee Gobolka AWDAL,
Hadhimo sharafeedkaas oo ay soo qaban-qaabiyeen Gudiga Beesha
Ciidagale , taas oo ka qabsoontay Star Hotel ee magaalada Hargeisa.
Waxa kasoo qaybgalay gudiga Beesha Ciidagale, Lataliyaha madaxwaynaha
ee arimaha doorashooyinka iyo gudiga golaha deegaanka ee gobolka
awdal.
Munaasibadaas hadhimo sharafeedka ah oo ay ka hadleen, Caaqil
Abdirisaq Mohamed Askar, isagoo sheegay inay duco iyo dar-daaran iyo
taageeroba la garabtaaganyiin kooxda gobolka awdal.
Waxa kale oo isna ka hadlay goobtaas La taliyaha madaxwaynha ee
arimaha doorashooyika Mohamed Muuse Abees, kaas oo ku dar-dargaliyay
kuna amaanay kaalinta fiican ee ay kaga jiraan koobka gobolada
Somaliland.
Sidoo kale waxa isaguna munaasibadaas uga mahad-celiyay hadhimada ay u
qabteen dhaliyaradaas xoghaya dawlada hoose ee gobolka Awdal, isagoo
sheegay inay beeshanu tahay beeshii ugu horaysay ee gobolka casuunta,
abaalkeedana ay u hayaan.
Geba-gebadii munaasibadasi waxa ka hadlay Gudoomiyaha guud ee Beesha
Ciidagale Abdirashiid Mohamed Jaambiir Suldaan, waxaanu ku furay
munaasibadaas “waan u ducaynayaa kooxda inay noqoto kooxda ku
guulaysta koobka ciyaaraha Somaliland, kuna guubaabiyay inanay ku kala
qaybsamin qabyaalad iyo maamul-xumo, maamulkoodana ka amarqaataan,
kana midho-dhaliyaan hamiga goboka ee ay u joogan caasimada”.
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka hadlay “Maadaama oo aanu nahay beel ay
haybta wadaagaan yihiin beesha degta gobolka awdal waxaanu
balanqaadaynaa haddii xulka gobolku ku guulaystaan koobka inaanu
xaflad aan meeqaamkeeda hore loo arag u samayndoono, isla markaana
aanu diyaarad gaara ku qaadi doono Hargeisa ilaa Boorama”.