Anigoo ah Muwaadin Reer Somaliland ah islamarkaana kasoo jeeda Gobolka Togdheer Magacayguna Yahay Maxamed Cilmi Xassan (Shiine) Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda reer Somaliland meelwalba oo ay aduunka ka joogaan gaar ahaan kuwa reer togdheer.
Waxaan Maanta qalinka u qaatay ka dib markii aan u adkaysan waayey Arimo badan oo jira Awgood kuwaas oo ceeb iyo fadeexad ku ah Sumcada iyo Sharafta ay leeyihiin Dadka reer Togdheer waayo sida laga wada dheregsan yahay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco waa halkii laga Aasaasay Jamhuuriyada Somaliland waa Bartii laga taagay Calanka Somaliland, Hadana waxaa maanta soo Food saartay Bulshada ku dhaqan Togdheer Ceeb iyo in lagu Xanto Qabyaalad iyo Kala Qeybsanaan, waxaana laga dheehday Ciyaartowgii ku Ciyaaraayey Magaca Xulka Gobolka Togdheer inay saami qaybsi ku sameeyaan habciyaareedka gobolka togdheer taasi waa wax laga naxo.
Hadaba Anigu Shikh Ahaan Maanta waxaan halkan doonayaa inaan Baaq u diro Dadka reer Togdheer Salaadiintooda, Cuqaashooda, Aqoonyahkooda, Siyaasigooda, Abwaanadooda, Dhalinyaradooda, Haweenkooda, iyo Dhamaanba Shacabka reer Togdheer meel kasta oo ay aduunka k ajoogaan inay Iclaamiyaan Shir Qaran oo lagaga Tashanaayo Aayaha Iyo Mustaqbalka Gobolka Togdheer Shirkaasi Oo Ka Madaxbanaan Qabiil Iyo Beel balse Saldhigiisu yahay Sidii ay Dadka Reer Togdheer Uga Bixi Lahaayeen Tuhunka Qabyaaladeed ee Manta Lagu Xamanaayo.
Baaqani waa Mid ku Wajahan Dhamaan Dadkaasi oo soo Xusnay waana mid Dan u ah Mustaqbalka iyo Nolashada Dadka Reer Togdheer waxaan rajaynayaa anoo dadka reer Togdheer ku aqaanay Ficil iyo Karti inay Arinkaasi ila qaataan islamarkaana ay kaga dhabeeyaan Shirkaas sida ugu dhakhsaha badan loo Iclaamiyaa iyadoo loo daba fadhiisanaayo Dadka Indheer Garadka ah.
Waxaan ka Digayaa inaan Aragtidayda loo Turjuman Dhanka xun balse loo eego dhanka wacan waa Fikir kasoo maaxday Maskaxdayda iyo Maankayga markaan arkay Xaalada maanta iyo Fadeexada aan indhaha laga qarsan Karin ee Ku shaanbadaysan Dadkii Reer Togdheer, Waxaan leeyahay Dadka Reer Togdheer Noqda Ul iyo Diirkeed .
Wa Bilaahi Towfiiq.
Waa Qalinkii: Maxamed Cilmi Xassan (Shiine)
Burco/Somaliland
Shiine1433@hotmail.com