Pages

Friday, June 14, 2013

Axmed M. Seed :looma Dul-qaadan karo Shaqaalaha Reer Awdal ee Wasaarada Warfaafinta laga Caydhsanayo


Hargeysa(GNA)-Guddoomiye ku-xigeenka  Xisbiga Waddani  Axmed Muumin Seed, ayaa Wasaaradda Warfaafinta ku eedeeyay inay shaqada ka caydhisay Hawl-wadeeno mudo dheer ka shaqaynayay Telefishanka iyo Ideecada Dawlada.




Waraysi kooban oo uu siiyay Telefishanka HORNCABLE, waxa uu ku sheegay in hore Masuuliyiinta Telefishanka Qaranku u Eryeen dhawr qof oo ka shaqaynayay xarumaha dibada ee TV-gaasi ,iminkana la eryay  Xarunta Guud ee Telefishanka laga Wariye mudo dheer ka soo shaqaynayay Wasaaradda Warfaafinta.




“hore waxa shaqada Teleshinka qaybta dibada laga eryay dad badan oo shaqaale ka ahaa, iminka waxaan wararka ku helay in Wariye xagan ka shaqaynayay la eryay, Ninkan iminka la eryay wuxuu ka mid ahaa dadkii markii qaranka Somaliland la dhisay shaqada ka bilaabay wasaarada warfaafinta, markaa arintaasi wax loo dul qaadan karo maaha”.




Axmed Muumin Seed ayaa ku dooday in  dhamaana shaqaalahan la erayay ka soo jeedaan Gobolka Awdal, taasina ay muujinayso in Il-gaar ah lagu eegayo Xirfadlayaasha Gobolkaasi u dhashay ee Wasaaradda ka hawl-gala.




Geesta kale, Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga WADANI Axmed Muumin Seed, ayaa Xukuumadda Somaliland ku taageeray go’aanka ay ku joojisay la shaqaynta Xafiiska siyaasadda ee qaramada Midoobay ee Somaliya ee UNSOM, waxaanu u soo jeediyay inay go’aankaasi ku adkeysato oo aanay ka noqon.




Gobanimonews




Hargeysa Office