Ankara-(GNA) Rabshadaha ka socda dalka Turkiga ayaa ku soo fidaya magaalooyin hor leh, iyadoo maanta iska hor imaadyo ay dhex mareen Booliska iyo banaan baxayaasha, kaasoo ka dhacay fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul.
Booliska ayaa wixii ay maalmahan ay ka gaar-gaar sanayeen sameeyay, iyagoo jiiray dibad baxayaasha ku sugnaa Taksim, waxaana la sheegayaa inay jiraan dad fara badan oo booliska ay qab qabteen.
Ciidamada booliska ayaa u adeegsanayay dibad baxayaasha gaaska indhaha ka ilmeysiiya, iyo booyadaha biyaha xooga leh tuura.
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Erdogan ayaa ku baaqay in la joojiyo dibad baxyada, isagoo u digay kooxaha dowlad diidka ee wada rabshadaha looga soo horjeedo dowladiisa.
Rabshadaha ka socda Turkiga ee looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Recep Tayyib Erdogan ayaa galay maalintii 12aad, waxaana ay u muuqdaan kuwo marba marka ka sii dambeysa sii xoogeysanaya.