Pages

Sunday, June 16, 2013

Amaanka Xafiisyada Q.M ee Somaliland iyo Somaliya oo lagu Wareejinayo Shirkad Amni oo Dawlada ka Madaxbanaan iyo Dareeno culus oo ka dhashay


Hargeysa(GNA)-Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somaliya, ayaa soo saaray Qoraal lagu  naadinayo Mashruuc ay ku maal-gelinayso Shirkad amni oo madaxbanaan oo la wareegta guud ahaan Amaanka Xafiisyadeeda Somaliland.




Qoraal ka soo baxay Xafiiskeeda Nairobi bishan horaanteedii, ayaa lagu sheegay in Barmaamujka horumarinta Q.M, ee UNDP, raadinayo Xirfadlayaal amni oo ku shaqeeya Ujeedada ama siyaasada qaramada Midoobay, oo iyagoo aan hubaysanayn  oo ka shaqeyn doona Amaanka Xafiisyadeeda Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ee Somaliland.




“Barmaamujka horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) Somalia) wuxuu naadinayaa Xirfadlayaal sare oo si waafaqsan siyaasada iyo Danaha laga leeyahay u bixiya adeegyo dhinaca amaanka ah, taasoo cidii danaynaysaa looga baaganyahay  inay leedahay Ciidan aan hubaysanayn oo ilaaliya amaanka xafiisyada qaramada Midoobay ee kala duwan, 24 sacaadoodba, todobaad kasta, waliba Xarumaha Hargeysa ee UN iyo qaybta Burco”sidaasi waxa lagu yidhi qoraal lagu baahiyay Degel ay qaramada Midoobay ku leedahay Barta Internet-ka.




Qoraalkan oo aan lagu cadayn in Mashruucan lagu gacan siinayo Hay’ad dhisan iyo inay UNPD iskeed u samaysanayso dadka shaqadan qabanaya, ayaa lagu sii sheegay in ugu yaraan 70 qof shaqaynayaan laamaha kala duwan ee UN-ka “Ugu yaraan 70 qof oo amaanka Ilaaliya dhamaan xarumaha qaramada Midoobay ee Hargeysa, ayaa loo baahanyahay mar kasta , iyadoo lagu sii balaadhin doono xafiisyada kale ee Magaalada Burco”.




Shuruudaha lagu xidhay Codsayaasha shaqadan, ayaa sidoo kale lagu qeexay  “aqoonta looga baahanyahay Xirfadlayaasha ee arimaha amaanka iyo bad-baadintu waxa ka mid ah inuu khibrad u leeyahay farsamada qalabka Dab-damiska, qiimeynta in khatar ka iman karto iyo ka hortaga Fal-dambiyeedyada , farsamada qalabka Isgaadhsiinta iyo ka jawaabista fariimaha shakiga leh ee yimaada”.




Si kastaba ha ahaatee UNDP waxay cadaysay in waaxda amaanka ee UNCC ay hoos imanaysa, si toos ahna uga mid noqonaysa oo laga maamulin doono xafiiskeeda“adeegani waa mid  hoos imanaya Shuruucda iyo nidaamka UN-ka oo hogaamin doonta, hawl-qabadkuna wuxuu hoos tegayaa qaybaha kala duwan ee Maamulka UNDP”.




Ugu dambeyn qoraalka waxa lagu sheegay in qabashada codsiyadu xidhmayaan 20 Bishan June, sidaasi darted cidii hawshaa danaynaysaa Codsiyadooda oo lagu muujiyay dhamaan cadaymo ku saabsan shuruudaha looga baahanyahay codsadaha inay ku soo xareeyaan Xafiiska dhexe ee UNDP ee Hargeysa ama xarunta guud ee Nairobi.




Hadab arintan ay qarama  midoobay ku samaysanayso Xafiiska amniga ee Ciidamada u gaarka ahi ka hawl-gelayaan, ayaan ilaa hada la garanayn ujeedada ka dambeysa, balse saraakiil ka tirsan Xafiiskeeda Somaliland ayaa Gobanimonews u sheegay inuu jiro mashruuc dhinac amniga Xafiisyada UN-ka ah oo ay hay’adaasi bixinayso, kaasoo la siinayo shirkado amni oo madaxbanaan.




Ilo wareedyo kale oo arintan u dhuun-daloola ayaa iyaguna talaabadan ku sheegay mid ay Hay’ada qaramada Midoobay doonayso inay Somaliland kaga abuurto Ciidamo Calooshooda u shaqaystayaal ah oo ka madaxbanaan nidaamka Hay’ada dawlada Somaliland.




Somaliland ayaa hore waxa uga jiray laba shirkadood oo ka shaqeeya Amaanka Xafiisyada hay’ada ajaanibka ah, kuwaasoo la kala yidhaahdo SAFENET iyo PRS, haystana Ogolaanshiyo aan sharciyan u dhamaystirnayn oo ay bixisay Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland sanadkii 2012-ka, isla markaana aqbalida ogolaanshiyaha la siiyay muran ka dhex dhaliyay Masuuliyiinta Wasaaradaasi.




Dhinaca kale,Dastuurka Somaliland ayaan Fasaxayn in wadanka laga sameeyo Shirkaddo Madaxbanaan oo amniga ka shaqeeya, taasoo ahayd sababta ay isagu khilaafeen Masuuliyiinta dawlada sharci siinta labadan Hay’adood, markii ugu dambeysay mid ka mid ah Wasiirka arrimaha guduhu qoraal uu soo saaray ku ogolaaday inay wadanka ka shaqaysato.




Sidaasoo ay tahay dawlada Somaliland hada wax war ah kamay soo saarin qorshahan cusub ee Hay’ada Q            aramada Midoobay loogu samaynayo Ilaalada Madaxbanaan, iyadoo sida sharcigu dhigayo ay dawladu ka masuul tahay dhamaan amaanka Hay’adaha, jiraana boqolaal qof oo iyaga laftoodu ka xoogsada Ilaalinta Nabad-gelyada gudaha Xafiisyada ay hay’adani dalka ku leedahay, Waxaase la eegi doonaa jawaabta ay ka bixiso hawshan.




Waxaana xusid mudan in Baahinta Mashruucan ay isku lamaanyihiin Mashaariic kale oo isla amniga la xidhiidha oo ay hay’adu ka samaynayso Magaalooyinka somaliya iyo Puntland.




Hadaba halkan riix si aad u hesho Macluumaadka Mashaariicdan la xidhiidha  oo ku qoran Luuqada Ingriisiga:-












Gobanimonews




Hargeysa Office