Pages

Wednesday, June 19, 2013

10 Sanadood kadib dowladda Mareykanka oo si cad ugu dhawaaqday in ay wada hadalo la geli doonaan Ururka Talibaan


(GNA)10 Sanadood kadib dowladda Mareykanka oo si cad ah ugu dhawaaqday in ay wada hadalo la geli doonaan Talibaan oo xafiis cusub ka furatay magaalada Doha ee dalka Qatar.




War saxaafadeed kasoo baxay taliska xafiiska Madaxtooyada White House-ka dala Mareykanka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay wada xaajood la geli doonaan Urur weynaha Taliban waxaana la sheegaya in kulanka ugu horeeyo ee labada dhinac uu ka dhici doono dalka Qatar magaalo madaxdiisa Doha oo ay haatan si-toos ah xafiis uga furteen ururka Taliban.




Dhanka kale kulanka ka dhacaaya magaalada Doha oo ay ku balansanyihiin Mareykanka iyo Taliban ayaa waxa lagu wadaa in Madaxweynaha dalka Afghanistan Hamid Karzai uu halkaasi udiro wafuud ka socota xukuumadiisa.
Hadalka kasoo baxay aqalka cad oo ay la yaabeen qaar kamid ah xukuumadaha caalamka ayay imaaneysa maalin kahor kadib markii dhawaan ay Ciidamada ka howlgasha dalka Afghanistan ee NATO ay ku wada wareejiyeen dhamaan mas’uuliyada amaanka dowladda dalkaasi Afghanistan Ciidamadooda.




Wada xaajoodka dowladda Mareykanka ay la geli doonaan Taliban ayaa waxa qeyb ka ahaan doona in ay ka wada hadlaan is labada dhinac ay isku afgartaan isdhaafsiga maxaabiista, iyo arrimo kale oo aan la shaacinin.